Farmaajo oo war xasaasi ah ka soo saaray dagaal ka dhanka ah Al-Shabaab

0

ANKARA (SMN) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa war xasaasi ah ka saaray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka.

 

Farmaajo ayaa dowladda federaalka ku boggaadiyay howlgallada xoreynta ee ka socda gobollada dalka, isaga oo hambalyeeyay guulaha ay ka gaareen ciidamada huwanta.

Sidoo kal waxa uu ku baaqay in laga wada qayb-qaato halganka haatan socda, si looga adkaado Al-Shabaab.

Halkan hoose ka akhriso:-

Dagaalka Ciidamadda Qalabka Sida oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ay kula jiraan kooxda argagixisada dhiig-miiratada ah ee Alshabaab, waa waajib qaran oo ay tahay in aynu ka wada qeyb-qaadanno dhamaanteen maadama uu taabanayo qarannimadeenna iyo jiritaankeenna ummadeed.

Howl-galadda dalkeenna looga xoreynayo argagixisada inoo diiddan nolasha, amniga iyo horumarka waa qorshe qaran oo soo socday dhowr iyo tobonkii sano ee u danbaysay, waxaana waajib ah in la garab istaago ciidanka xoogga, si aan u xaqiijinno dalkeenna oo xor ka ah argagixisada.

Waxaan ugu baaqayaa muwaadin kasta oo Soomaaliyeed in uu garab istaago halganka xoreynta dalka kana qeybqaato dhiiri-galinta iyo kor u qaadista moraalka geesiyaasha qaranka, maadaama isku duubnida ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay fure u tahay guulaha dagaalka lagula jiro argagixisada.

Alle ha u naxariisto halyeeyada naftooda u horey in dalkeenna ay ka xoreeyaan argagixisada, halyeeyada kale ee dhaawacyadu ka soo gaareenna waxaan Allaah uga baryayaa caafimaad iyo kabasho degdeg ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here