Daawo: Hooyo iyo Carruurteeda oo dhintay dhisme kusoo dumay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Dhisme Dabaq ah oo ku yaala Suuqa Bakaaraha ee Degmadda Howl-wadaag ayaa xalay dumay, iyadA oo ay ku dhinteen Hooyo iyo Gabar ay dhashay.

 

Dhismaha soo dumay oo dabaq ahaa ayaa la sheegay in uu sii dumiyay guri Filo ah oo hoostiisa ku yaalla halkaasna ay ku dhinteen gabadha iyo hooyadeed, ayna ku dhaawacmeen xubno kale oo qoyska kamid ah.

sidoo kale Waaxda Gurmadka deg deg ah ee Gobolka Banaadir iyo Gawaarida Ambalace-ta oo meydadka xalay kasoo saaray dhismaha hoostiisa ayaa sheegay in weli la layahay oo ay dhismaha ku hoos jirto Gabar kale oo qoyskan ay dhibtu gaartay ka tirsan.

Ma ahan dhismahani kii ugu horreeyay ee magaalada Muqdisho ku duma ama ay wax waxyeelo kasoo gaarto xubno isku qoyska ah.

Dhawaan ayey aheyd markii ay afar wiil oo walaalo ahaa ay ku dhinteen dhisme dabaq qadiimi ah oo kusoo dumay kaas oo kuyaala Degmadda Shangaani ee gobolka Banaadir.

Halkan hoose ka daawo Warbixinta:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here