Filish iyo Siidii oo AMISOM kala hadlay dhacdadii Shabeelaha Hoose

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Siidii) ayaa si wadajir kulamo kala duwan ula qaatay saraakiisha qeybaha Amisom iyo sidoo kale taliyaha ugu Sareeya howlgalka nabad ilaalinta Amisom ee Soomaaliya General Ndegeya Diomede.

Ujeedka kulankan ayaa ahaa sidii baaritaan deg deg ah loogu sameyn lahaa dhacdadii argagaxa laheyd ee ciidamada Amisom ku xasuuqeen Allaha Unaxariistee dad shacab ah oo ku nool deegaanka Goolweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Filish iyo Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa u sheegay Madaxda Amisom inaan la aqbali karin falkaasi gurcan ee lagu dilay 7-qof oo shacab ah, islamarkaana loo baahan yahay in marxuumiintaas iyo eheladooda  si deg deg ah u helaan cadaalad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here