Koonfur Galbeed oo shaacisay jadwalka doorashada Golaha Aqalka Sare

0

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed Koonfur Galbeed ayaa soo bandhigay jadwalka doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Koofur Galbeed Mudane Yuusuf Cabdulqaadir Maxamed ayaa tilmaamay in isla maanta ay bilaabayaan diiwaan-gelinta musharraxiinta ku tartamaya saddexda kursi ee ka harsan xubnaha ka imaanaya dhinaca maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale warqadda ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha guddiga qaabilsan doorashada maamulkaas ayaa waxaa lagu sheegay in doorashada la qaban doono maalinta Axadda ah, ayna musharraxiinta leeyihiin hadal jeedin ku aadan ka hor hadalka baarlamaanka.

Koonfur Galbeed ayaa horey u soo xushay illaa 5 Senatar, kadib doorasho ka dhacday gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ee maamulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here