MUQDISHO — Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Maalim Fiqi, iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cali Yuusuf Cali, ayaa Maanta xarigga ka jaray buundooyinka Sabiid iyo Anole ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ka dib markii dib loo dhisay.
Munaasabadda furitaanka buundadahan ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiil ka socotay Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, Howlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), iyo Dowladda Turkiga, kuwaas oo sheegay in dib-u-dhiska buundadani ay kor u qaadi doonto dhaqaalaha, amniga iyo dhaqdhaqaaqa shacabka gobolka.
Dib-u-dhiska buundadahan ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda ee lagu soo celinayo kaabayaasha dhaqaalaha iyo isku xirka gobollada, ka dib markii kooxaha Al-Shabaab ay burburiyeen buundadahan horraantii sanadkan.









