Fiqi oo la kulmay guddoomiyaha Jaamacadda Naayif Alcarabiyah ee Cilmiga Amniga

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa booqday Jaamacadda Naayif Alcarabiyah ee cilmiga Amniga.

 

Wasiirka ayaa la kulmay Guddoomiyaha Jaamacadda Dr. Abdul Majiid Al-Benyan, waxaana kulanka looga hadlay sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta jaamacadda iyo hay’adaha amniga Soomaaliya ee dhinacyada tacliinta, tababarada iyo cilmi baarista.

Wasiir Axmed Fiqi ayaa sidoo kale warbixin laga siiyey waxqabadka jaamacaddan oo ay aasaaseen wasiirradii arrimaha gudaha ee dalalka Carabta sanadkii 1978-kii.

Waxa uu ugu dambeyntii uga mahadceliyey maamulka jaamacadda sida wanaagsan ee ay isaga iyo wafdigii la socday u soo dhaweeyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here