G๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ƒ๐Œ๐€ ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐Ÿ๐๐ข ๐ฎ๐ฎ ๐‡๐จ๐ ๐ ๐š๐š๐ฆ๐ข๐ง๐š๐ฒ๐จ ๐จ๐จ ๐†๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ ๐Š๐ข๐ฌ๐ฆ๐š๐š๐ฒ๐จ

0

KISMAAYO – Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo, caasimadda ku-meel-gaarka ah ee Dowlad-goboleedka Jubbaland.

 

Wafdiga Guddoomiyaha Haydaโ€™adda SoDMA waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Jubbaland oo isugu jira wasiiro iyo madax kale.

Inta ay joogaan Jubbaland, wafdigu waxay u kuurgali doonaan xaaladda abaareed ee ka jirta deegaanada kala duwan ee Jubbaland, iyagoo qiimeyn doona saameynta abaarta iyo sidii loo dardargelin lahaa ka-jawaabista gargaarka degdegga ah.

Socdaalka Guddoomiyaha SoDMA waxaa ku wehliya George Conway Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, ahna Isku-duwaha Arrimaha Baniโ€™aadannimada Soomaaliya, si loo xoojiyo wada-shaqeynta hayโ€™adaha qaranka iyo kuwa caalamiga ah ee ka shaqeeya ka-jawaabista masiibooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here