Gaari ay leedahay shirkadda Hormuud oo lagu qarxiyay duleedka Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Waxaa shalay oo taariikhdu ahayd 13/12/2023, abaaro 5tii galabnimo  qarax weyn oo  nuuca miinada dhulka lagu aaso ah lala eegtay gaari ay leedahay Shirkada Hormuud.

 

Inta la xaqiijiyey waxaa ku geeriyooday Axmed Cumar cabdulle oo ka tirsanaa Shaqalaha Shirkadda Hormuud oo xalay fiidkii u geeriyooday dhaawacii  kasoo gaaray qaraxa.

Waxaa xusid mudan in  sidan oo kale, qaraxyo lala beegsaday qaar ka mid ah laamaha iibka ee shirkaddu ku leedahay Xero-Jarmal (Xarutii Tababarka Farsamada Gacanta XTFG) ee Degmada Dayniile & BTS-kii degaanka Muusaaley ee Ceelasha biyaha taariikhdu markay ahayd 09-November-2023.

Dowladda Somalia & Shirkadda Hormuud ayaan weli ka hadlin dhacdooyinkaan, mana jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxyadan, iyo cid loosoo xiray toona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here