Ciidamada dowladda Soomaaliya oo gudaha u galay degmada Ruun-nirgood

0

RUUN-NIRGOOD (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada huwanta ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta degmada Ruun-nirgood ee gobolkaaasi, kadib markii ay isaga baxeen xubnaha Al-Shabaab.

 

Guddoomiyaha degmadaasi Macallin Muxyidiin Maxamuud oo warramay warbaabinta ayaa shaaca ka qaaday in wax dagaal uusan ka dhicin magaalada, isla-markaana ay gudaha galeen degmadaas oo noqoneyso degmadii ugu dambeysay ee laga saaro Shabaab.

Sidoo kale wararka ayaa intaasu kusii daraya in markii ay gudaha u galeen ciidamada degmada lala eegtay qarax miino, balse ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay.

Ciidamada huwanta ayaa weli howlgallo amni xaqiijin ka wada halkaasi, sida uu shaaciyay guddoomiyaha maamulka degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Xaaladda ayaa haatan mid kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemaya aagga degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Qabashadan Ruun-nirgood ayaa timid, kadib markii ay howlgal qaadeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka ee ku sugan halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here