Gaari ay saarnaayeen dad rayid oo miino ay kula qaraxday Shabeelaha Dhexe

0

Gaari Caasi ah oo ay saarnaayeen dad shacab ah kana baxay magaalada Muqdisho, oo  ku socday Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle, ayaa miino kula qaraxday inta u dhaxeyso Tuulada Gololey & deegaanka Qalimow oo hoos yimaado degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Gaariga oo ay saarnaayeen dad gaaraya 24 ruux oo shacab ah ayaa waxaa la sheegay in ay haleeshay miino waddada dhinaceeda lagu aasay, halkaas oo waxyeello isugu jirto dhimasho iyo dhaawac ay ka soo gaartay dadkii gaariga saarnaa.

Wadaha Gaariga qaraxa uu qabsaday oo la hadlay warbahinta ayaa sheegay in badi dadkii saarnaa gaariga ay geeriyoodeen halka kuwii dhaawacmay loo soo qaaday magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan 17 ruux ayaa ku geeriyootay qaraxan, iyada oo ay dhaawacmeen 5 kale oo ka mid ahaa rakaabkii la socday gaariga ay la kacday miinadaasi.

Wadada xiriirisa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay qaraxyo lala beegsaday gawaari ay saarnaayeen dad rayidka ah oo waddadan ku safrayey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here