Gaari dameero raashin siday oo lagu gubay duleedka Waajid

0

WAAJID (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in dab la qabadsiiyay toddobo gaari dameer oo siday badeecooyin kala duwan oo u rarnaa ganacsato, kuwaas oo u socday degmada Waajid ee isla gobolkaasi.

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay iney ka dambeeyeen dabka la qabadsiiyay gaari dameerada alaabaha u siday Waajid.

Degmada ayaa waxa ay ka mid tahay magaalooyinka ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Inta badan Al-Shabaab ayaa go’doomiyey degmooyinka gobolka Bakool oo ay ugu horreyso magaalada Xudur ee xarunta gobolkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here