Gabar Oromo ah oo lagu gowracay magaalada Dhuusamareeb + Video

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Gabar Oromo Itoobiyan ah ayaa xalay nin maskaxda looga jiro ku gowracay magaaladda Dhuusamareeb, taasi oo naxdin ku reebtay shacabka caasimadda.

 

Meydka gabadha ayaa la geeyay isbitaalka Central ee magaaladda Dhuusamareeb waxaana gowracan la sheegay in si gaar ah uu uga dhacay Xaafadda Waxar Cadde ee Dhuusamareeb.

Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka ayaa goobta gaaray, kuwaas oo soo xiray eedeysanahaa, waxaana haatan socda baaritaano ay wadaan laamaha amniga.

Falkan lagu gowracay gabadha Oromada ah ayaa argagax ku reebay bulshada deegaanka, waxaana saaka si weyn looga hadal hayaa caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Halkan hoose ka daawo warbixinta:-

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here