Madaxweyne Xasan Sheekh oo wada-hadal la yeeshay Xoghayaha guud ee QM

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud AYAA  khadka taleefanka kula xiriira  Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres, isaga oo kala hadlay arrimo xasaasi ah.

 

Wada-hadalkan ayaa waxaa lagu soo qaaday  xaaladda gobolka iyo xasillooni darrada ay abuurayso damaca iyo xadgudubka Itoobiya ee ka dhan ah madaxbannaanida iyo gobanimada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la weadaagay aragtida iyo siyaasada dowlada federal Soomaaliya oo ku dhisan daris-wanaag, iskaashi iyo is-ixtiraam, taas oo ay barbar socoto in dadka iyo dowladda Soomaaliya aysan aqbalayn in lagu soo xadgudbo midnimadooda iyo dowladnimadooda.

DHAMMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here