Galmudug oo ciidamo geysay koonfurta Mudug + Sawirro

0

Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa lagu soo warramayaa inay maanta ciidamo dheeraad ah geysay deegaano dhaca bariga gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadaas oo ka tirsan kuwa daraawiishta Galmudug ay fariisimo milatari ka sameysteen deegaano hoostaga magaalada Wisil ee gobolkaasi.

Ujeedka ciidamadan loo geeyey koonfurta Mudug ayaa waxaa lagu sheegay sidii ay uga hortagi lahaayeen dhaq-dhaqaaqyo ay Al-Shabaab ka billaabeen halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug ay ku wajahan yihiin deegaanadaasi, si ay qeyb uga noqdaan gulufka ka dhanka ah dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa sare u qaaday howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee ay ka wadaan gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here