Sidee ayuu u dhacay dhageysiga kiiska dilkii Dhagajuun?

0

Maxakamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u billowday dhageysiga gar-maqalka kiiska dilka Aun guddoomiyii degmada Hodan Cabdixakiin Cabdiraxmaan Dhagajuun oo ciidamo ka tirsan dowladda ay dileen horraantii sanadkan 2021-ka.

Maxkamadda ayaa waxaa la horgeeyey illaa 7 eedeysane oo kala ah Taliyeyaasha Booliska Waabari, Howlwadaag iyo askar, waxaana sidoo kale Maxkamadda la horgeeyey marqaatiyaal goobjoog ka ahaa, sida uu u dhacay dilka.

Bashiir Cabdi Siyaad taliyaha saldhigga degmada Hodan oo ka mid ahaa marqaatiyaashii la horkeenay maxkamadda ayaa ka warbixiyay waxa uu ka ogyahay dilkaasi iyo sida uu u dhacay.

Sidoo kale Xeer ilaaliyaha guud ee maxkamadda ciidamada qalabka sida Cabdulaahi Buulle Kamey ayaa maxkamada ka hor-jeedyay cadeymaha loo hayo dadkii ku lugta lahaa kiiskaasi.

Ugu dambeyn Xassan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida oo gabagabadii kulanka maxkamada ka hadlay ayaa sheegay in markale dib la’isugu soo laaban doono dhageysiga dacwada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here