Xamsa Cabdi Barre oo sheegay in Soomaaliya u gudbeyso marxalad dhaqaale oo nabadeed

0

MUQDISHO, Soomaaliya — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa furay Madasha 9-aad ee Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka, oo sanadkan diiradda lagu saarayo sidii dalka uga gudbi lahaa dhaqaalihii ka dhashay colaadaha una tallaabi lahaa hannaan dhaqaale oo ku dhisan nabad iyo xasillooni.

Madasha oo hal-ku-dhiggeedu yahay “U Gudbidda Dhaqaale Nabadeed” ayaa waxaa ka qeybgalay dhaqaaleyahanno, ganacsato, mas’uuliyiin dowladeed iyo cilmi-baarayaal. Waxaa soo qabanqaabiyay Golaha Dhaqaalaha Qaranka.

Doodaha madasha ayaa diiradda lagu saaray xiriirka ka dhexeeya nabadda, xoojinta hay’adaha dowladda iyo kobaca dhaqaalaha, iyadoo daraasado lagu soo bandhigay lagu sheegay in Soomaaliya ay hadda ku jirto marxalad u gogol xaareysa u gudbidda dhaqaale ka duwan kii ay abuureen sannadihii colaadaha.

Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in loo baahan yahay in dalka uu ka gudbo hab-dhaqannadii iyo nidaamyadii dhaqaale ee laga dhaxlay dagaalladii sokeeye, si ganacsiga iyo dhaqaalaha Soomaaliya ay ula jaanqaadaan nidaamyada casriga ah ee dunida.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu tusaale u soo qaatay isbeddelka amni ee Muqdisho, isagoo sheegay in markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu xukunka qabtay markii hore ay magaalada ka jireen 65 isbaaro.

“Markii ugu horreysay ee uu xukunka qabtay Madaxweyne Xasan Sheekh, magaalada waxaa tiillay 65 isbaaro. Marka aad eegto meesha aan ka nimid iyo meesha aan joogno, rajo weyn baa ku galaysa. Waynu soconnaa, inkastoo xawaaraha la rabay aynaan ku socon, haddana dhinicii wanaagsanaa ayaan u soconnaa,” ayuu yiri Xamsa.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Qorshaha Isbeddelka Qaranka iyo Aragtida Madaxweynaha ee 2060 ay dejinayaan jihada mustaqbalka dhaqaalaha Soomaaliya, iyadoo dowladda ay hiigsanayso abuurista 160,000 oo shaqo muddo gaaban gudaheed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo dhaqaalaha suuqa xorta ah ay door weyn ka qaadan doonaan abuurista fursadaha shaqo, halka dowladda laga doonayo inay dhisto jawi sharci, amni iyo dhaqaale oo dhiirrigeliya maalgashiga iyo kobaca ganacsiga.

Madasha 9-aad ee Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka ayaa qeyb ka ah doodaha ku saabsan jihada dhaqaalaha Soomaaliya, iyadoo diiradda la saarayo sidii nabadda, hay’adaha dowliga ah iyo maalgashiga gaarka loo leeyahay loogu beddeli lahaa fursado dhaqaale iyo shaqo abuur.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here