Galmudug oo soo dhaweysay tallaabadii ay qaaday dowladda Mareykanka

0

Wasaaradda amniga Galmudug ayaa soo dhaweysay talaabadii uu qaaday Mareykanka, kadib markii uu liiska argagixisada ku daray Cali Maxamed Raage (Cali Dheere) iyo C/qaadir Maxamed C/qaadir (Cikrima) oo isna ka mid ah saraakiisha Al-Shabaab.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda amniga ayaa waxaa lagu sheegay in labada sarkaal ee liiska argagixisada caalamiga ah lagu daray ay dhibaato ku hayaan dadka Soomaaliyeed.

Halkan hoose ka aqriso:-

Dawladda Maraykanka ayaa liiska argagixisada shakhsiyaadka la baadigoobayo ku dartay laba dilaa oo kooxda argagxisada Shabaab ka tirsan kuwaasoo kala ah Argagixiye Cali Maxamed Raage (Cali Dheere) iyo Argagixiye C/qaadir Maxamed C/qaadir (Cikrima).

Waxaan soo dhowaynaynaa in makarafoonkii argagixisada ee sheegan jiray danbi kasta oo umadda Soomaaliyeed lagu xasuuqayo Cali Dheere uu ka mid noqday shkhsiyaadka la bartilmaameedsanayo ee ku jira liiska argagixisada, waxayna tallaabadani tilmaamaysaa in ruuxii doorta dhibaatayna dadkiisa uu cawaaqib xumo ku danbayn doono.

Argagixiye Cali Dheere iyo Cikrima waxay ka mid ahaayeen kuwa dadka reer Galmudug dhibaatada ku haya, bartilmaameedsigooduna wuxuu ka qeyb ka noqon doonaa nabadda iyo xasiloonida Galmudug iyo Soomaaliya inteeda kale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here