Guddiga doorashada gobolada waqooyi oo doortay guddoomiye iyo ku xigeen

0

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta lagu qabtay doorashada guddoonka guddiga hirgelinta doorashada gobollada waqooyi, taas oo ka qabsoontay Teendhada Afisyoone oo ku dhex taalla xerada Xalane oo amnigeeda si weyn loo ilaaliyo.

Doorashada ayaa aheyd mid gacan taag ah, iyadoo guddoomiye loogu doortay Khadar Xariir Xuseen, halka guddoomiye ku xgeenka guddigana loo doortay Nagiib Xuseen.

Sidoo kale waxaa doorashada goobjoog ahaa guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish), taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Xijaar iyo xubnaha guddiga doorashada heer federaal.

Si kastaba, waxaa doorashada aan xaadirin 4-ta xubood oo uu magacaabay guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, kuwaas oo horey u shaaciyey tabashooyin kala duwan oo ay qabaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here