Galmudug oo soo saartay jadwalka 3 kursi & guddiyada soo xulaya ergada

0

GAALKACYO (SMN) -Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Galmudug ayaa shaaciyey liiska xubnaha guddiga ee soo xulaya ergada dooraneysa kuraasta kala ah:-HOP#018, HOP#021 iyo HOP#020

Saddexdaan kursi oo ah kuwii u dambeeyey xubnaha Galmudug ka soo gelaya golaha shacabka ayaa doorashadooda la qabanayaa 15-03-2022, oo ah maalinta u dambeysa waqtigii loo asteeyey in lagu soo gaba-gabeeyo doorashada.

Sida ku cad warqadda jadwalka seddaxda kursi laba ka mid ah waa qoondo dumar, halka kursiga soo haray uu yahay mid u furan inay u tartamaan rag iyo dumar intaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here