Galmudug oo soo saartay jadwalka doorashada ee Aqalka Sare

0

Guddiga doorashada ee Galmudug ayaa soo saaray jadwalka qabashada doorashada maamulkaasi ee Aqalka Sare, taas oo ka dhaceysa magaalada Dhuusamareeb.

Warqad kasoo baxday guddiga ayaa waxaa lagu sheegay inay maanta billaabaneyso diiwaan-gelinta xubnaha musharraxiinta ee liiskooda la shaaciyey, kuwaas oo gaaraya illaa lix xubnood, halka labada kursi ee haray dib lag dooran doono.

Guddiga ayaa sidoo kale shaaciyey in doorashada xubnaha Golaha Aqalka Sare la qabanayo beri oo Khamiis ah, isla-markaana ay ku beegan tahay 12-8-2021-ka.

Galmudug ayaa ka mid noqoneysa maamullada dardargelinaya doorashooyinka dalka, gaar ahaan tan Aqalka Sare oo horey uga billowday magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here