Wafdi ka socda guddiga doorashooyinka oo u safray magaalada Garoowe

0

Xubno ka mid ah Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka dalka, ayaa saaka u safraya Dowlad Goballeedka Puntland si ay ugu qeyb galaan doorashada Aqalka saere oo la filayo in maanta ay halkaas ka qabsoonto.

lix xubnood oo ka mid ah Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka ayaa ku wajahan Garowe kuwaa oo goob jog ka ahaan doona doorashada kuraasta Aqalka Sare ee Dawlad Goboleedka Puntland.

Doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare ee  Maanta ka bilaaban doonto  Magalada Garoowe ayaa waxaa u sharaxan 22 Xubnood, kuwaas oo ku tartamaya 11 kursi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here