Galmudug oo xukun ku ridday nin lagu eedeeyey afduub iyo kufsi

0

Waxaa maanta lasoo gaban gabeeyay  fadhiyo dhowr ah oo ay maxkamada  Gobolka Galgaduud ka yeelatey dhageysiga dacwad ciqaabeed loo heystay Maxamed Cabdi dhoore, oo ay Maxkamaddu gobalka Galmudug kusoo eedeeysay kufsi iyo Af-duub uu ka geeystay Deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud 19-8-2021, falkaasi uu kula kacay Gabar 6-sano jir aheed isla markaana uu u geeystay dhaawac xoog leh.

Cabdixakiin Maxamed Xirsi, xeer-ilaaliye kuxigeenka Maxkamadda gobalka Galmudug ayaa fadhiyada kala dambeeyay ee maxkamada  kusoo bandhigey qiraal laga qoray eedeysanaha iyo cadaymo kale oo muujinayay sida falku u dhacay oo ay ka mid yihiin warqada dhaqtarka, dharkiii gabadhu xirneyd iyo sawirada goobta oo dhamaantood xeer ilaalintu dalbatay in loo cuskado ciqaabta la marsiinayo eedeysanaha.

Dhanka kale Axmed Salaad Kullane, Garsooraha Maxkamada gobolka oo dhageystay darafka kale ee dacwada ayaa ka codsaday Maxkamadda iyadoo la eegayo qiraalka eedeysanaha in la qafiifiso ciqaabta uu wajahi karo, waxuuna xiritaankii fadhiga Maxkamadda kaga dhawaaqay xukun dhan 5-sano xabsi ah iyo bixinta labo halaad oo Maxkamadu sheegtay in ay noqonayaan dhiiga Gabadha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here