Taliska Africom oo war kasoo saaray duqeyntii ka dhacday Camaara

0

Taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey duqeyn dhanka cirka ah oo ay shalay ka fuliyeen deegaanka Camaara ee gobolka Mudug.

Africom ayaa shaacisay in duqeyntan ay la beegsatay xubno ka tirsan Al-Shabaab, isla-markaana ay wadaan qiimeynta khasaaraha rasmiga ah ee kasoo gaaray weerarkaas.

Sidoo kale taliska Mareykanka ee Africom ayaa shaaca ka qaaday in weerarkan uu ahaa mid is difaac ah, ayna ka qeyb qaateen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

“Isaga oo kaashanaya dowladda federaalka Soomaaliya, taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qaaday weerar is-difaac ah oo wadajir ah oo ka dhan ah dagaalyahannada Al-Shabaab ee dagaalka kula jira saaxiibbadayada Soomaaliya agagaarka Camaara, Soomaaliya, 24-kii August,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay taliska Mareykanka ee Qaaradda Africa.

Si kastaba, xaaladda deegaanka Camaara ayaa maanta yare deggan, waxaana ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug oo dib ula wareegay deegaankaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here