Ganacsade caan ahaa oo lagu dilay magaalada Gaalkacyo

0

Gaalkacayo – Alle ha u naxariistee, ganacsade Axmed Yuusuf Haamey ayaa lagu magaalada Gaalkacyo loogu dilay sida la sheegay aano qabiil, xilli uu ku sii jeeday masaajid si uu halkaasi ugu soo tukado salaadda Maqrib.

 

Axmed Yuusuf Haamey ayaa kamid ahaa dadka sida weyn looga yaqaanay magaalada, waxaana dadka aqoonta u lahaa ay ku tilmaameen inuu ahaa nin wanaagsan, ahlu diin ah, nabadoon iyo qof si gaar ah ugu garab istaagi jiray dadka danyarta ah iyo masaakiinta.

Dilkan ayaa kusoo beegmaya xilli magaalada Gaalkacyo ay horay uga dhaceen falal dilal ah oo la xiriiray aanooyin iyo colaado qabiil, kuwaas oo lagu waayay qaar kamid ah haldoorka iyo waxgaradka bulshada magaalada.

Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa bilaabay baaritaanno ku aaddan dilka loo geystay Marxuum Axmed Yuusuf Haamey, waxaana la sheegay in ciidamada ay qabqabteen xubno dhowr ah oo looga shakisan yahay inay wax ka og yihiin ama ku lug leeyihiin dhacdadan.

Dilka Marxuumka ayaa walaac iyo murugo xooggan ka abuuray bulshada Gaalkacyo, iyadoo ehelada, waxgaradka iyo bulshada magaalada ay ku baaqayaan in si degdeg ah loo helo dadka ka dambeeyay dilka, isla markaana sharciga la horgeeyo.

Marxuum Axmed Yuusuf Haamey ayaa ahaa qof bulshada dhexdeeda ku lahaa sumcad iyo maamuus, waxaana geeridiisa si weyn looga dareemayaa magaalada Gaalkacyo.

Alle ha u naxariisto Marxuum Axmed Yuusuf Haamey, eheladii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan haka siiyo. Aamiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here