Muqdisho, Soomaaliya – Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta kulan la qaatay wafdi ka socday UNTMIS oo uu hoggaaminayay Madaxa Ku-simaha Hawlgalka UNTMIS, Mudane Raisedon Zenenga.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Madaxa Kooxda Siyaasadda iyo Dhexdhexaadinta UNTMIS, Mudane Vikram Parekh. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray hannaanka kala-guurka UNTMIS iyo sii wadidda isku-duwidda iyo wada-shaqeynta u dhexeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.
Wasiiru-dawlaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay in kala-guurka uu noqdo mid ay Soomaaliya hoggaaminayso oo ay Soomaalidu leedahay, isla markaana taageerada caalamiga ah ay sii ahaato mid waafaqsan mudnaanta iyo waajibaadka qaranka Soomaaliyeed.
Labada dhinac ayaa isku raacay in la sii wado isku-duwidda iyo wada-shaqeynta dhow, si loo taageero xasilloonida Soomaaliya iyo horumarinta hay’adaha dowladda.




