Ganacsade Soomaali ah oo burcad hubeysan ay ku dishay Koonfur Afrika

0

CAPE TOWN (SMN) – Allaha u naxariistee Cali Maxamed Xasan oo ku magac dheeraa (Balaakii) ayaa xalay lagu dilay deegaan ka tirsan magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.

Wararka ayaa sheegaya in burcad hubeysan ay marxuumka ku dhex dishay goob ganacsi oo uu ku lahaa halkaasi, kadibna ay baxsatay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ayaa goobta gaaray, balse ma jirto illaa iyo hadda cid ay usoo qabteen falkaasi dilka ah.

Koonfur Afrika ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal ka dhan ah Soomaalida, waxaana maalmihii u dambeeyey kordhayey weerarada loogu geysanayo goobahooda ganacsi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here