Garbahaarey oo laga dareemayo diyaar garwoga doorashada Golaha Shacabka

0

GARBAHAAREY (SMN) – Xilli la filayo in dhawaan degmada Garbahaareey ay ka billowdaan doorashooyinka Golaha Shacabka ee Soomaaliya ayaa waxaa dagmadaasi ka soconaya howlgallo lagu xaqiinayo ammaanka.

Ciidamada degmada ee ku sugan degmadaas ayaa xareeyey dhammaan gaadiidkii ka howl-galayay degmada, taasi oo qeyb ka ah qorshaha sugidda ammaanka magaalada.

Doorashada kuraasta taalla Garbahaarey oo ay Jubbaland dib u dhigtay ayaa isha lagu wada hayaa, waxaana la filayaa in la guda-galo maalmaha soo socda.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad doorashada, taas oo keentay inay ku daahdo ka gudubka xaaladda kala guurka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here