Faah faahin: Qarax maanta ka dhacay magaallo xeebeedka Marka

0

MARKA (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in barqanimadii maanta qarax miino uu ka dhacay qaybo ka mid ah magaallo xeebeedka Marka ee xarunta gobolkaasi.

Qaraxa ayaa ka dhacay garaash lagu magacaabo Cawaale oo ku yaalla dhabarka dambe ee saldhigga Booliska Marka.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxan uusan geysan wax khasaare nafeed ah, balse uu dhaliyey burbur xoogan.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee ka howl-gala magaalada ayaa sidoo kale goobta gaaray, kuwaas oo sameeyey baaritaano kooban.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, mana jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta maamulka degmada Marka oo ku aadan qaraxaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here