Golaha abwaanada oo soo dhaweeyey go’aankii ka soo baxay RW Rooble

0

Golaha abwaanada Soomaaliyeed oo maanta shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ka howl-gala magaalada Muqdisho ayaa soo dhoweeyey amarkii ka soo baxay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ee lagu joojiyey kiraynta qeyb ka mid ah dhismaha Tiyaatarka Qaranka.

Ugu horreyn abwaanada ayaa uga mahad-celiyey ra’iisul wasaaraha sida deg-degga leh ee uu uga jawaabay cabashadooda la xiriirta arrimaha Tiyaartarka Qaranka Soomaaliyeed oo la sheegay in laga kireeyey qeyb ka mid ah rag ganacsato ah, si maqaayad looga dhiso.

Sidoo kale qaar ka mid ah abwaanada madasha ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in weli arrintu ay qabyo tahay, loona baahan-yahay in la dhammeystiro.

“Inaan sii sheegno in arrintii weli qabyo tahay, sidaas daraadeed Mudane ra’iisul wasaare waad mahadsan tahay fanaaniinta cabashadoodii waad ka jawaabtay waxaan leenahay inta dhimana inaad dhammeystirtid-baan kaa sugeynaa” ayuu yiri Abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf.

Arrintan ayaa hadal heyn iyo dood ka dhalisay warbaahinta iyo baraha bulshada, taas oo keentay inuu soo fara-geliyo ra’iisul wasaaraha oo amaray la joojiyo kireynta Tiyaatarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here