Milkiilaha xarunta Bushimaha lagu wayneeyo oo war cusub soo saaray

0

Milkiilaha xarunta Obesity Centre ee lagu wayneeyo Bushimaha & qeybaha kale jirka, sida Barida  Dr. Kamaaludiin Cabdicasiis ayaa shaaciyey in si KMG ah loo xiray xaruntiisa, kadib amar ka soo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Kamaaludiin oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay inay u yimaadeen mas’uuliyiin ay saaxibo yihiin, isla-markaana u siday amar dowladeed oo lagu xirayo xaruntiisa, illaa inta cilmi baaris lagu sameynayo howlaha ay qabato xarunta oo isugu jira caafimaad iyo qurxin.

Sidoo kale milkiilaha xaruntan ayaa beeniyey in isaga la xiray,wuxuuna tilmaamay in si wanaagsan loola dhaqmay, isla-markaana uu rajeynayo inuu ka garbixi doono dowladda, siina wadan doono shaqadiisa.

Dhinaca kale Dr. Kamaaludiin C/casiis oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay xaruntu sii shaqeyn doonto, isla-markaana ay halkeeda ka sii wadi doonto howlaha  qurxinta ah ee ay u heyso bulshada Soomaaliyeed.

Shabelle oo baahisay sheekadan iyo macluumaadka la xiriira shaqada ay qabato xarunat Obesity Centre ayaa dood badan ka dhex dhalisay baraha bulshada ee Internet-ka, waxayna noqotay arrin si weyn loo hadal-hayo, isla-markaana ay dadka siyaabo kala duwan uga hadlayaan howlaha ay qabato xaruntani oo dhowaan laga hirgeliyey Muqdisho.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here