Golaha Amaanka ee QM oo RW Rooble ku amaanay hanaanka doorashooyinka

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo maanta kulan ka yeeshay xaalada Dalka Soomaaliya, ayaa bogaadiyay hanaanka doorashooyinka ee uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble.

Xubnaha Golaha Amaanka ayaa qiray in Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu juhdi geliyay sidii loo gaari la haa heshiis doorasho islamarkaana dalka looga qabto doorasho loo dhan yahay.

Danjiraha Dowladda Britain u fadhisa Golaha Amaanka, Dame Barbara Woodward, ayaa soo dhaweysay hanaanka doorasho ee uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Danjire Dame Barbara Woodward ayaa sidoo kale bogaadisay dadaallada Ra’iisul Wasaaraha iyadoo wax lagu farxo ku qeexday heshiiskii doorasho ee Ra’iisul Wasaaraha uu ku qanciyay Madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka.

Iyadoo hadalkeeda sii wadata ayaa Dame Barbara, waxey shaaciyay in Dowladda Britain ay sii wadi doonto taageerida hanaanka doorasho ee majaraha uu u hayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Dhinaca kale, Mareykanka ayaa ka sheegay Golaha Amaanka in Ra’iisul Wasaare Rooble uu ku guuleystay in uu markale Soomaaliya ku soo celiyo waddadii nabadda maadaama Soomaaliya ay xaalad amaan lugaha la gashay horaantii sanadkan.

Sidoo kale, Dowladda France ayaa taageero u muujiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo hogaamintiisa ku aadan hanaanka doorashooyinka.

Xubanaha Golaha amaanka ayaa soo dhaweeyay bilowga doorashooyinka baarlamaani ee ka socda Caasimadaha Dowlad Goboleedyada Dalka.

Waxaa Golahu sidoo kale soo dhaweeyay dadaallada Ra’iisul Wasaaraha uu ku soo celiyay xiriirka diblomaasiyadeed u dhaxeeya Dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya.

Ugu dambeyn, Golaha Amaanka ayaa qiray baahida loo qabo in laga hortago Ururka Al Shabaab oo ay ku tilmaameen Koox halis ku ah nabadda iyo doorashooyinka ka socda Dalka Soomaaliya.