Hay’adda SoDMA oo shixnad gargaar ah gaysay gobolka Gedo + Sawirro

0

DOOLOW (SMN) – Degmada Doloow ee Gobolka Gedo, ee dowlad goboleedka Jubbaland oo kamid ah goobaha cabsida laga qabo in roobabka Gu’ga daadad iyo fatahaado ka dhasha sameen ay ka soo gaarto bulshada ku nool ayaa Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA, waxa ay halkaas shixnado kala duwan oo gargaar ah.

 

Deeqdab ayaa ka kooban Teendhooyin, alaabta maacuunta bustayaal iyo agabyo kale oo muhiim ah ugu qeybisay boqolaal qoys oo danyar ah.

Illaa 300 boqol oo qoys oo ku nool afar kaam oo ku yaal gudaha degmada Doloow, ayaa deeqdan ka faa’iideeystay, iyaga oo u mahadnaqay Madaxweynaha JFS, Ra’isulwasaaraha XFS, Hay’adda SoDMA iyo dowladda Shiinaha oo Mucaawinadan SoDMA hore ugu soo wareejisay.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here