Golaha Amaanka oo cunaqabateynta hubka kaa qaaday Soomaaliya

0

MUQDISHO [SMN] – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa codeeyay in in Soomaaliya laga qaado xayiraadda hubka ee saaran in ka badan 30 sano.

 

14 oo ka mid ah 15-ka xubnood ee Golaha Amaanka ayaa codeeyay in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya, halka Faransiiska uu ka aamusay codeynta.

Cunaqabateyntan ayaa la saaray Soomaaliya 1992-kii si loo joojiyo qulqulka hubka ee dagaal gacanta u galayay hogaamiye kooxeedyadii xukunka ka tuuray Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, iyadoo inqilaabka uu dalka geliyey dagaallo sokeeye.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan codsatay in laga qaado cunaqabateynta hubka si ay u qalabayso ciidamadeeda oo loo diyaarinayo inay mas’uuliyadda amniga dalka kala wareegaan kuwa ATMIS Dec. 2024.

Dhowaan ayay aheyd markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu sheegay in Soomaaliya sanadkan la qaadayo cunaqabateynta hubka, kadib dadaallo badan oo ku bixiyay in arintaas lagu guuleysto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here