Puntland oo lagu wareejiyay koox burcadbadeed ah

0

GAROOWE (SMN) – Ciidamada ilaalada xeebaha ee Ururka Midowga Yurub ayaa dadaal dheer kadib ku wareejiyay Puntland burcadbadeed dhawaan afduub ka gaysatay xeebaha bari ee maamulkaasi.

 

Midowga Yurub ayaa burcadda uu soo qabtay toos ugu wareejiyay ciidamada badda ee maamul goboleedka Puntland, si looga qaado tallaab adag oo sharciga waafaqsan.

Ragga lasoo qabtay ee haatan lagu wareejiyay Puntland ayaa maalmo kahor afduubtay doon kalluumeysi oo lagu magacaabo Al-Meraji, taas oo laga leeyahay dalka Iran.

Kooxda afduubka gaysatay ayaa waxaa badda kaga goostay laba saxiimadood oo ay wateen, kuwaas oo ay doonayeen inay ku eryadaan maraakiibta iyo doonyaha shisheeye ee maraya biyaha Soomaaliya iyo kuwa u dhow.

Doonida la afduubtay oo uu ka dul babanayay calanka Iran ayaa ka mid ahayd doomaha shatiga ka haysta Puntland, ayna mas’uul ka yihiin ganacsato Soomaaliyeed.

Kooxaha burcadbadeeda ayaa u muuqda kuwa soo laba kacleeyay waxaana dhaqaaqyo ay ka bilaabeem xeebaha bari ee Soomaaliya, ayaga oo ilaa iyo hadda fuliyay ugu yaraan saddex weerar oo laba kamid ah lagu afduubtay doonyo laga leeyahay waddanka Iran

Waxaa sidoo kale jiray markab ay leedahay Israel oo isna lagu weeraray meel u dhow biyaha Yemen, kaas oo loo maleeyay inay ka dambeeyeen kooxda Xuutiyiinta, balse waxa ay noqdeen Soomaali, sida ay shaacisay wasaarada gaashaandhiga dalka Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here