Golaha Ammaanka ee QM oo war cusub kasoo saaray xaaladda Laascaanood

0

LAASCAANOOD (SMN) – Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey AYAA war cusub ka soo saaray xaaladda  magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool

 

Golaha ayaa sheegay in loo gudbiyey shaqsiyaad mas’uuliyiin ah oo ku lug leh dambiyo dagaal oo ay ku jiraan dilka dumar iyo carruur oo ka dhacay magaalada Laascaanood.

Sidoo kale warbixinta ayaa waxaa lagu xusay in duqeymo lala beegsaday xarumaha bulshada oo ay ugu horreeyaan isbitaallada, goobaha waxbarashada iyo masaajidda.

Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale dowladda federaalka ah iyo hey’adaha ka howlgala dalka ugu baaqey inay gargaar bani’adannimo iyo kaalmeynba ka sameeyaan Sool, sidoo kalena la baaro waxyeellada laga geystay gobolka.

QM ayaa dhowr mar ka hadashay xaaladda Laascaanood, iyadoo dhinacyada isku hayana ugu baaqday in ay ka fogaadaan waxkasta oo xaalada sii murjinkara.

Ugu dambeyn Jimciyadda Qaruumaha ka dhaxaysa ayaa mar kale ku celisay in miiska wada-hadalka la iskuugu yimaado, si looga baaqsado colaad ka.le oo ka dhacda Sool

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here