Faahfaahino kasoo baxaya qarax ka dhacay magaalada Hargeysa

0

HARGEYSA (SMN) – Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee caasimada Somlailand ayaa sheegaya in xalay xaafad ka mid ah magaladaas uu ka dhacay qarax culus oo laga maqlay inta badan Haregeysa.

 

Goobjoogayaal ku sugan maagalada ayaa warbaahinta u sheegay in ugu yaraan hal qof uu ku dhaawacmay qaraxaasi, iyadoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan inuu ahaa qofkii qaraxa ku lugta lahaa.

Sidoo kale ma jirto cid kale oo wax ku noqotay qaraxaasi, sida ay sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka.

Laamaha ammaanka magaalada Hargeysa ayaa dhankooda baaritaano sameeyay, waxaana ay sheegeen in wixii kasoo baxa ay faafaahin ka bixin doonaan.

Hargeysa ayaa kamid ah magaalooyinka ugu nabdoon dalka, waaana caasimada rasmiga ah ee Somailand oo muddo ka badan 30 sano raadineyso madax banaani.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here