Muqdisho, Soomaaliya – Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kulankooda 19-aad ee kalfadhiga 8-aad, waxaana shir guddoomiyey Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Ugu horreyn, Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa cod u qaaday Hindise-Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah, waxaana oggolaaday 130 Xildhibaan, halka sagaal Xildhibaan ay diideen, laba Xildhibaanna ay ka aamuseen.
Natiijada codbixinta waxaa ku dhawaaqay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow. Sidoo kale, Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa Akhrinta Labaad marsiiyey Hindise-Sharciyeedka Wax-ka-beddelka Sharciga Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, Sharci Lr. 130 ee soo baxay 22-kii Abriil 2012.
Xildhibaannada ayaa dood ka yeeshay qodobbada Hindise-Sharciyeedka, iyagoo su’aalo si toos ah uga weydiiyey mas’uuliyiinta Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, iyo sidoo kale mas’uuliyiinta Bankiga Dhexe ee Soomaaliya oo kulanka goob-joog ka ahaa.
Ugu dambeyn, mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyey Warbixinta Akhrinta Labaad ee heshiisyada u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ee ku saabsan Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah.





