Muqdisho, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay Ciidanka Qaranka, kadib dadaallada ay ku bixiyeen sugidda amniga caasimadda Muqdisho iyo guud ahaan dalka.
Munaasabadda oo si wadajir ah ay u soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Amniga Gudaha iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho.
Sidoo kale, waxaa munaasabadda ka qeybgalay taliyeyaasha hay’adaha amniga iyo sirdoonka qaranka, Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Taliska Booliiska Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaare Xamse, ka hor inta aan munaasabadda la bilaabin, ayaa kulan la qaatay taliyeyaasha iyo saraakiisha ciidamada kala duwan ee dalka, isagoo dhageystay warbixin ku saabsan xaaladda amniga caasimadda.
Sida lagu sheegay warbixinta, falalka amni-darrada ee Muqdisho ayaa hoos loo dhigay boqolkiiba 86.06% intii u dhexeysay sannadihii 2023 iyo 2026, kadib qorshe amni oo la sheegay in si isku xiran loo fuliyay.
Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlay saraakiisha ciidamada ayaa ku boorriyay inay sii xoojiyaan dadaallada lagu sugayo amniga, isagoo ciidamada kala duwan ku ammaanay guulaha ay ka gaareen xaqiijinta amniga caasimadda iyo guud ahaan dalka.
“Qofna yaanan laga yeelin in uu amniga ku ciyaaro, qofkii uu dooniba ha noqdee,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale muujiyay muhiimadda ay leedahay in ciidamada iyo hay’adaha amnigu ay sii wadaan wada-shaqeynta iyo dadaallada lagu ilaalinayo amniga shacabka iyo xasilloonida caasimadda.






