Golaha Wakiillada Galmudug oo codka kalsoonida siiyey Xukuumadda cusub

0

Dhuusamareeb –  ‎Golaha Wakiillada Dowladda Galmudug ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Xukuumadda cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, kaddib kulan ka dhacay xarunta Golaha ee magaalada Dhuusamareeb.

 

‎Kulanka 6-aad ee Kalfadhiga 1-aad waxaa shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, Mudane Xuseen Maxamed Nuur, oo ay wehelinayeen Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Mudane Cabdulqaadir Axmed Cali, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad, Mudane Mursal Cabdi Aadan. Ajandaha kulanka ayaa ahaa ansixinta Xukuumadda cusub ee Galmudug.

‎Hoggaamiyaha Dowladda Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, oo uu wehelinayey Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowladda Galmudug, Mudane Cabdiweli Ibraahim Garyare, ayaa kulanka ka horjeediyey khudbad uu ku faahfaahiyey qorshaha iyo jihada siyaasadeed ee Xukuumadda cusub, isaga oo Golaha u soo bandhigay barnaamijka shaqo ee Xukuumaddiisa, sidoo kalena ka codsaday xildhibaannada inay siiyaan codka kalsoonida si ay u gudato waajibaadka loo igmaday.

‎Kaddib soo bandhigidda qorshaha Xukuumadda, Guddoomiyaha Golaha ayaa cod u qaaday Xukuumadda cusub, waxaana natiijada codbixinta ku dhawaaqay Guddoomiyaha, isaga oo xaqiijiyey in Xukuumadda lagu ansixiyey cod aqlabiyad ah.

‎Ansixinta Xukuumadda cusub ayaa dhammaystiraysa marxalad muhiim ah oo ka mid ah hannaanka dhismaha hay’adaha Dowladda Galmudug, iyadoo Xukuumadda u suuragelinaysa inay si rasmi ah u bilowdo gudashada waajibaadkeeda dastuuriga ah iyo hirgelinta qorshayaasha ay Golaha u soo bandhigtay.May be an image of one or more people, people studying, dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here