Dhuusamareeb – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug, halkaas oo lagu qabanayo Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadanimada Soomaaliya (Country Humanitarian Forum – CHF).
Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa magaalada Dhuusamareeb waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay wasiirro ka tirsan Galmudug, maamulka gobolka iyo degmada, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadanimada Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga furmi doona magaalada Dhuusamareeb 26-ka Nofeembar 2026, waxaana ka qeybgalaya mas’uuliyiin ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, dowlad-goboleedyada, hay’adaha samafalka iyo bah-wadaagta arrimaha bani’aadanimada.
Shirkan oo halku-dhiggiisu yahay “U Diyaargarowga Musiibooyinka iyo Dhisidda u Adkeysiga, Xoojinta Gurmadka, Sugnaanta Biyaha iyo La-qabsiga Isbeddelka Cimilada ee Soomaaliya” ayaa diiradda lagu saari doonaa xaaladda bani’aadannimo ee dalka, xoojinta diyaar-garowga iyo gurmadka musiibooyinka, sugnaanta biyaha iyo dhisidda awoodda bulshada Soomaaliyeed ee ay kula tacaali karto saameynta isbeddelka cimilada.
Sidoo kale, shirka ayaa fursad u noqon doona in dowladda, dowlad-goboleedyada iyo hay’adaha samafalku ay ka wada hadlaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda gurmadka bani’aadannimo, gaar ahaan xaaladaha degdegga ah ee ka dhasha musiibooyinka dabiiciga ah.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa uga mahadceliyey madaxda iyo shacabka Galmudug soo dhaweynta diirran ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa, isagoo sidoo kale bogaadiyey doorka Dowlad Goboleedka Galmudug ee martigelinta iyo qabanqaabada Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadanimada Soomaaliya (CHF).




