Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyey laba heshiis oo ay la gashay Mauritania

0

MUQDISHO, Soomaaliya — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, waxaana looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan sugidda amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

 

Kulanka ayaa waxaa shir-guddoomiyey Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac.

Golaha Wasiirrada ayaa kulanka ku ansixiyey laba heshiis oo ay Soomaaliya la gashay dowladda Mauritania, kuwaas oo kala ah heshiis ku saabsan wada-tashiyada siyaasadeed iyo heshiis ku saabsan iskaashiga barnaamijka tababbarka diblomaasiyadda.

Sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday kulanka, heshiisyadan ayaa diiradda saaraya xoojinta iskaashiga labada dowladood, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda iyo diblomaasiyadda.

Heshiiska wada-tashiyada siyaasadeed ayaa lagu wadaa inuu kor u qaado xiriirka iyo is-dhaafsiga aragtiyaha labada dowladood ee arrimaha khuseeya labada dal iyo kuwa gobolka.

Heshiiska labaad ayaa diiradda saaraya iskaashiga dhinaca tababbarka diblomaasiyiinta, iyadoo ujeeddadu tahay in la horumariyo aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha diblomaasiyadda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in heshiisyadu ay muhiim u yihiin xoojinta xiriirka labada dal iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada ay wadaagaan.

Kulanka Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale lagu eegay xaaladda amni ee dalka iyo dadaallada dowladda ee lagu sugayo amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Xukuumadda Federaalka ayaa muddooyinkii dambe xoogga saareysay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo xoojinta awoodda ciidamada dowladda, iyadoo sidoo kale raadineysa in la ballaariyo iskaashiga amni iyo diblomaasiyadeed ee ay la leedahay dalalka gobolka iyo beesha caalamka.

Ansixinta heshiisyada Soomaaliya iyo Mauritania ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga caalamiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here