SoDMA oo Muqdisho ka furtay shir qaran oo looga diyaar garoobayo Super El Niño 2026

0

MUQDISHO — Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee Soomaaliya (SoDMA) ayaa Muqdisho ka furtay shir qaran oo looga hadlayo sidii dalka loogu diyaarin lahaa saameynta laga filayo cimilada Super El Niño 2026.

 

Shirka waxaa furay Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, waxaana ka qeyb galay wasaarado ka tirsan dowladda federaalka, wasaaradaha dowlad-goboleedyada ee qaabilsan gargaarka iyo maareynta musiibooyinka, Xafiiska Madaxweynaha, Rugta Ganacsiga, culimo iyo wakiillo ka socday hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah.

Intii uu socday shirka ayaa lagu soo bandhigay walaaca laga qabo saadaasha cimilada oo muujinaysa suuragalnimada in Soomaaliya ay wajahdo xaalad Super El Niño, taas oo keeni karta roobab aad u culus iyo fatahaado.

Walaaca ayaa sii xoogeysanaya iyadoo qeybo badan oo dalka ka mid ah ay weli kasoo kabanayaan saameyntii abaaraha iyo dhibaatooyin bani’aadantinimo oo hore.

Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa sheegay in xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ay u baahan tahay isku-duwid iyo wada-shaqeyn degdeg ah, si loo xaqiijiyo in bulshada nugul ay hesho gurmad ku filan oo waqtigiisa ku yimaada.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dowladda, dowlad-goboleedyada, hay’adaha samafalka iyo bulshada ganacsatada ah ay si wadajir ah uga shaqeeyaan diyaar-garowga iyo yareynta saameynta musiibooyinka.

Shirkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo qorshayaasha diyaar-garowga musiibooyinka, iyadoo Soomaaliya ay isku diyaarineyso khataro ka dhalan kara roobab xooggan, fatahaado iyo barakac.

SoDMA ayaa sidoo kale ku boorrisay dhinacyada ay khuseyso inay hore uga sii shaqeeyaan qorsheyaasha gurmadka, si looga hortago in xaalad cimilo oo daran ay isu beddesho musiibo bani’aadantinimo oo baahsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here