MUQDISHO, Soomaaliya — Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay xarunta Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka, iyagoo u kuurgalay habka uu Golaha u shaqeeyo iyo doorkiisa ku aaddan nidaaminta mihnadda caafimaadka dalka.
Kormeerka waxaa hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddiga, Senator Dr. Cismaan Maxamuud Maxamed (Dufle), waxaana diiradda lagu saaray tayada adeegyada caafimaadka, ku-dhaqanka shuruucda mihnadda caafimaadka, tayada dawooyinka iyo badqabka adeegyada laga bixiyo isbitaallada.
Xubnaha Guddiga ayaa sidoo kale eegay habraacyada lagu xaqiijiyo aqoonta, xirfadda iyo kartida shaqaalaha caafimaadka, kuwaas oo muhiim u ah ilaalinta heerarka mihnadda iyo badqabka bukaannada.
Intii uu socday kormeerku, maamulka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka ayaa Guddiga u soo bandhigay warbixin ku saabsan shaqada Golaha, waajibaadkiisa iyo doorka uu ku leeyahay nidaaminta mihnadda caafimaadka Soomaaliya.
Warbixinta ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay caqabadaha horyaalla Golaha iyo qorshayaashiisa horumarineed ee la xiriira xoojinta nidaamka lagu maamulo mihnadlayaasha caafimaadka.
Guddiga Aqalka Sare ayaa sheegay in kormeerku qayb ka yahay waajibaadkooda la xiriira la-xisaabtanka, dabagalka iyo korjoogteynta hay’adaha caafimaadka.
Waxay sheegeen in ujeeddadu tahay in la dardargeliyo dhowrista tayada iyo shuruucda caafimaadka, si bulshada Soomaaliyeed loo gaarsiiyo adeegyo caafimaad oo hufan, tayo leh oo ammaan ah.



