Guddiga doorashada Aqalka Sare Galmudug oo guddoon doortay

0

Xubnaha Guddiga doorashooyinka Aqalka Sare ee Dowlad goboleedka ee Galmudug ayaa waxa ay doorteen guddoonka golahaasi.

Guddiga ayaa guddoomiye udoortay xildhibaan Cabdiwahaab Maxamed Axmed, halka guddoomiye ku xigeen loo doortay Xildhibaan Cabdi raxiim Axmed Cigaal.

Sidoo kale Xildhibaan yaasiin Maxamed Cabdiraxman ayaa loo doortay xoghayaha guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Galmudug.

Talaabadaani ayaa ah mid lagu dardar galinayo doorashada xubnaha aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa dhawaan faray dowlad goboleedyada dhiman in ay soo gudbiyaan xubnaha aqalka sare islamarkaana ay qabtaan doorashada si waqtiga lagu faa’ideeysto.

Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Galmudug ayaa sidokale laga sugayaa inuu soo saaro Liiska musharaxiinta Aqalka Sare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here