Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Somaliland oo ballan-qaad sameeyey

0

Gudoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada ee Somaliland, ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono mideynta iyo cadaallad u sameynta xildhibaannada, xisbiga ay doonaan haka soo jeedaane.

Cabdirisaaq Khaliif Axmed, oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa shalay kursiga ku hantiyay 42 cod, ayaa wareysi gaar ah oo BBCda uu siiyay waxa uu ku nuuxnuuxsaday sida loogu baahanyahay in loogu shaqeeya dadweynaha xilalka ay hayaan u soo doortay.

Guddoomiyaha la doortay ee Cabdirisaaq Khaliif ayaa waxaa tartan adag uu kula jiray Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon oo ka socda xisbiga talada haya ee Kulmiye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here