Guddiga doorashada FEIT oo bilaabay bixinta shahaadada xildhibaannimo

0

HARGEYSA (SMN) – Guddiga doorashada heer Federal ee FEIT ayaa Sabtida maanta ah bilaabay bixinta shahaada xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya, waxaana xildhibaankii ugu horreeyay ee qaata shahaada uu noqday Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug), sida uu goor dhaweyd shaaciyay guddigu.

Guddiga doorashada ayaa shalay ku dhaaway liiska xildhibaannada Baarlamaanka Federalka Soomaaliya, iyaga oo xildhibaannada ugu baaqay inay qaatay shahaada, si loo dhammeystiro jadwalka doorashada.

Ra’isul Wasaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay shaacinta liiska xildhibaannada, isaga oo guddiga doorashada heer Federal ‘ku adkeynayay in ay ku taagnaadaan hirgalinta jadwalka dhaarinta xildhibaannada ee ku eg 14-ka April, si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah’, sida uu ku yiri war qoraal ah oo uu saaray.

Kuraasta ilaa 30 xildhibaan ayaa weli ka dhimman dhammeystir Golaha Shacabka, kuwaas oo ay ku jiraan kuraasta deegaan doorashadu tahay Garabahaarey oo weli muran xooggani ka taagan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here