Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha oo ka hadlay dabkii ka kacay Hargeysa

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka murugaysan khasaaraha dabkii caawa ka kacay suuqa weyn ee magaalada Hargaysa ayaa Alle ugu baryey in uu u booga dhayo dadkii ku waxyeeloobay dabkaas.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay u gurmadaan walaalahooda hantidooda ku waayey masiibadan, isaga oo xusay xaaladda abaareed ee uu dalka ku jiro iyo duruufaha dhaqaalaha ee dunidu ay la tacaalayso.

“Waxaan murugada la qeybsanayaa walaalaha ganacsatada ah ee dabka ka kacay suuqa Hargaysa uu galaaftay hantidooda, waxaan fadliga bisha Ramadaan awgeed Alle uga baryayaa in uu ka siiyo beddel ka khayr badan hantida halkaas kaga gubatay.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka codsaday dadka Soomaaliyeed in ay maalmahan barakaysan awgood ugu hiiliyaan walaalahooda dhibtu soo gaartay, lana garab istaagaan duco iyo taakuleyn inta ay karaan.

Dhinaca kale qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa lagu yir “Waxaan aad uga xumahay dabka caawa ka kacay suuqa weyn ee Hargeysa, kaas oo geystay khasaare baaxad leh.

Waxaan xanuunka la qeybsanayaa ganacsatada xoolahoodii ku waayay iyo dadka kale ee waxyeelladu ka soo gaartay.
Waxaan Eebbe u weydiinayaa baddel kheyr leh iyo sabir.

Waxaan ku baaqayaa in loo gurmado walaalaheenna dabku aafeeyay, annaguna waxaan kaalin ka qaadan doonnaa gurmadkaas,”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here