Guddiga doorashada madaxweynaha oo soo saaray fariin ku socota musharixiinta

0

MUQDISHO (SMN) – Guddiga isku dhafka ah ee doorashada madaxweynaha ayaa war cusub kasoo saaray howlaha dhammeystirka doorashada, gaar ahaan mida madaxweynaha.

Guddiga ayaa farriin culus u diray musharixiinta tartameysa, isaga oo ka codsaday in musharax kasta uu soo gudbiyo barnaamijkiisa doorashada oo qoraal ah, isla-markaana daabacan.

Halkan hoose ka aqriso:- 

WARGELIN

Guddiga Doorashada Madaxwaynaha JFS wuxuu ku
wargalinayaa Musharraxiinta Xilka Madaxwaynaha JFS uu guddiga u soo gudbiyo 400 (afar boqol) oo nuqulee barnaamijkiisa doorasho oo daabacan (hard copy) iyo hal nuqul oo electronic ah (pdf) oo ah hadaljeedinta murashaxa, maalinta barri ah oo ku beegan 10 May 2022.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here