Guddiga doorashada oo shaaciyey tirada xildhibaanada qaadatay shahaadada

0

MUQDISHO (SMN) – Guddiga doorashooyinka heer federaal FEIT, ayaa qoraal ay bartooda Facebook soo dhigeen ku sheegay in howsha bixinta shahaadada ay si dardar ah ku socota xilli dhaarinta xildhibaanada cusub ay maalmo un ka harsantahay.

Waxa ay isla qoraalkaas ku sheegeen in tirada xildhibaanada ilaa haatan qaatay shahaadada ay gaaraysa 200 oo xildhibaan oo ka tirsan golaha shacabka iyo aqalka sare.

Guddiga FEIT ayaa sidoo kale tilmaamay in dalka doorasho uu aaday,” dadweynoow doorashaa loo dareeray!” ayey ku dhaheen qoraalkooda.

Dhanka kale, waxaa maanta shahaadada xildhibaanimo qaatay hogaamiyaha xisbiga Wadajir, ahna musharax madaxweyne Xildhibaan Abdirahman Abdishakur Warsame.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku soo baxay kursiga tirsigiisu yahay 138 ee ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here