Iska hor imaad khasaare geystay oo ka dhacay magaalada Marka

0

MARKA (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay iska hor imaad u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan kuwa nabad sugida oo maanta ka dhacay magaalada Marka.

Israsaaseynta ayaa timid kadib muran ka dhashay arrimo qabiil oo ay isku qabteen ciidamadaasi, waxaana ku dhintay 3 saddex qof oo laba ka mid ah ay yihiin askar.

Guddoomiyaha gobolka Sh/Hoose, Ibraahim Aadan Cali (Najax) oo war ka soo saaray dhacdadan ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay askartii ka dambeysay shaqaaqadaasi.

“Waxaan umahadcelinayaa maamulka & ciidanka degmada MARKA ee soo xiray labadii qof ee sababta u ahaa shaqaaqadii maanta ka dhacday magaalada MARKA. Waxaan ciidanka ku boorinayaa inay laba jibaaraan sugida amniga shacabka nabada jecel ee MARKA,” ayuu yiri.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana ciidamo ammaanka ay bilaabeen howlgallo lagu xaqiijinayo amniga guud ee magaaladaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here